Home Wararka Maanta Weerar lagu Qaaday Taliye Cabdiraxmaan Cali Waqooyi iyo Laba Ilaaladiisa ah oo...

Weerar lagu Qaaday Taliye Cabdiraxmaan Cali Waqooyi iyo Laba Ilaaladiisa ah oo la dilay

0

Taliyaha ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka u qaabilsan degmada Dayniile ayaa xalay ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo, kaddib markii gaari yar uu la socday weerar ku qaadeen ciidamo kale oo katirsan dowladda .

Sida aan wararka ku helnay taliyaha iyo ciidamo kale oo la socday oo marayay agagaarka isgooska Tarabuunka ayaa waxaa jidka u galay ciidamo milatari ah oo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaa oo rasaas xooggan ooda uga qaaday gaariga uu taliyaha saarnaa.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay hal askari oo katirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya halka mid kalana uu ku dhaawacmay, waxaana weerarka ka bad baaday taliya NISA ee Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi,

Ciidankii milatariga ee weerarka geestay ayaa la sheegay in ay galeen xerada ay ku leeyihiin agagaarka warshada caanaha, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo laamaha amniga kasoo saareen weerarkan .

Ad
Previous articleWararkii ugu dambeeyay ee dagaal xaley ka dhacay Laascaanood
Next articleNin 53-sanno jir kufsi iyo afduub u geestay Gabar 11 jir ah oo Muqdisho lagu qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here