Home Wararka Maanta Uhuru Kenyatta oo Sabab u noqday in UU dib u dhaco Wadahadalada...

Uhuru Kenyatta oo Sabab u noqday in UU dib u dhaco Wadahadalada Dowladda Itoobiya iyo TPLF

0

Wadahadalo garwadeyn ka tahay Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in dalka Koonfur Afrika ku dhax maro dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhada TPLF , wadahadaladan ayaana la doonayaa in xal looga gaaro colaada ka aloosan gobolka Tigrey.

Wadahadalladan nabadeed ayaa lagu waday inay qabsoomaan dhammaadka isbuucan, hasa ahaatee waxaa soo baxay in uu dib iu dhac ku yimid, lamana sheegin wali waqtiga kale uu qabsoomayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha dib u dhaca u keenay wadahadalada dowladda Itoobiya iyo jabhada TPLF, uu sababteeda leeyahay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenaytta oo ku jira dhax dhaxaadiyaasha wadahadalada.

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta,  ayaa la sheegay inuu isaga baxay wadahadalada lagu waday in Koonfur Afrika ka furmaan sababo uu ku sheegay in jadwalkiisa shaqada uu buuxo.

Midowga Afrika ayaa doonaya in xal nabadeed lagu dayo colaada dhiiga badan ku daatay ee ka aloosan gobolka Tigrey, waxaana wadahadalada aqbalay in ay ka qeyb galaan dowladda iyo sidoo kale jabhada TPLF

 

 

Ad
Previous articleMaydka Maxamed Siciid oo ugu Danbayn lagu guulaystay in lasoo saaro
Next articleMadaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaarayDalka Uganda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here