Home Wararka Maanta Nin Dilay Xaas u Dhashay Caruur oo Asna la Dilay

Nin Dilay Xaas u Dhashay Caruur oo Asna la Dilay

0

Maamulka degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka warbixiyey kiiska nin xaaskiisii hore oo afar carruur ah heysatay dilay oo isna la toogtay markii uu dagaalamay.

Ninkaan oo qori sitay ayaa dhowr xabadood si bareer ah ugu dhuftay gabadha oo isla goobta ku geeriyootay, waxaana la sheegay inuu ka maseyray gabadhaan ilmaha u dhashay oo horay ay u kala tageen.

Ninka ayaa isku dayey inuu baxsado, ciidamada booliska degmada Walaweyn iyo ehelkii gabadha la dilay ayaa raacdeystay, wuxuuna diiday inuu is dhiibo oo waa dagaalamay.

Maamulka degmada ayaa sheegay in ninkii la toogtay markii uu dagaalamay, isagoo aan geysan khasaare kale, waxaana la isla aasay galabta meydkii gabadha iyo ninkii dilay, oo isna la toogtay markuu dagaalamay.

Maamulka degmada Walaweyn ayaa ka hadlay arrintaan naxdinta leh, waxayna sheegeen in ninkaas in la dilo aan lagu talo gelin, balse uu ku dhintay is-rasaaseyntii dhex martay isaga iyo ciidankii lagu amray inay soo qabtaan.

“Walaashey Seynab Xuseen Cumar waxay ku baxday gacan ka xaq daran, hadana waa la dilay ninkii dilay walaashey, kadib markii ciidamada booliska iyo maamulka degmada ay ku baxeen ayuu dagaalamay sidaas ayuu ku dhintay, waana la isla aasayaa galabta,” ayuu yiri wiil ka mid ah ehellada.

Ismaaciil Gacmadheere oo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ka ah degmada Walaweyn ayaa sheegay in ninkaas lagu dilay meel duur ah isaga oo baxsad ah, wuxuuna ciidamada amniga ku bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen.

Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya in ninkaas uu si daran rasaas ula dhacay gabadha ilmaha u dhashay, mana jirto cid si faahfaahsan uga hadashay sababta dilka keentay, inkastoo xubno qoyska ka mid ah ay sheegeen inuu maseyray.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Xukunka Taakeeye iyo Kooxdiisa oo Goordhow lagu Dhawaaqay
Next articlePuntland oo Xariirka U jartay Dowlada Soomaaliya Go,aano Culusna Soo Saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here