Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Go,doon ku Jira Kadib Qabashadii Degmada Xarardheere...

Alshabaabkii Ku Sugnaa Galmudug oo Go,doon ku Jira Kadib Qabashadii Degmada Xarardheere iyo Taliye Biixi oo Ka Hadlay

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay muhiimadii ay degmada Xarardheere u laheyd kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay maanta gudaha u galeen ciidamada xoogga dalka.

Taliye Biixi oo wareysigaan siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dekedda demadaas ay Al-Shabaab kala soo degi jireen hubka iyo sahayda kale, isla markaana ay ka dhoofi jireen amiirrada Al-Shabaab.

“Degmadaan waxay leedahay deked ay hubka, shidaalka, daawada iyo sahayda oo dhan ay kala soo deji jireen kooxda Al-Shabaab, waxaana ku guuleysanay maanta in cadowga aan ka xoreyno,” ayuu yiri Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga carareen degmada oo dhamaan dadkii deganaa ay horay u kaxeysteen, isla markaana ay ku baxeen dhowr jid oo ciidanku ay ka war hayaan.

“Xarardheere maanta waa meel lagu kala cararay, hal qof ma joogto oo cadowgii wuxuu horay u kaxeystay carruurtii iyo islaamihii, dhowr jiho ayeyna uga baxeen magaalada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay go’doomiyeen, isla markaana aysan jirin meel ay hubka ula faka doonaan, maadaama lagu hareereeyey Galgaduud.

“Ma jirto wado ay Al-Shabaab tiknikada kula bixi karaan, waxaa la sheegay in nin kasta uu hadda dharka haweenka toshay, laakiin iyagoo hubeysan meel ay nooga faka karaan ma jirto,” ayuu yiri Biixi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ahmiyad gaar ah siinayaan xoreynta magaalooyinka waaweyn, si loo go’doomiyo kooxda, isla markaana lasoo afjari doono maalmaha soo socda Shabaab-ka ku sugan Galmudug.

Sidoo kale Galcad ayuu sheegay Taliyuhu in maanta khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay difaacdaan magaalada, balse waxay u babac-dhigi waayeen ciidankii soo weeraray, taas oo sababtay inay isaga cararaan Galcad oo dhiigooda loogu tegay, sida uu sheegay Taliyuhu.

Ad
Previous articleCiidama Booliska Magaalada Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad Qaab Yaableh u dhacay Dad Shacab ah(Sawiro)
Next articleWar Deg-Deg Ah; Alshabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Qaaday Deegaanka Xawaadley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here