Home Wararka Somaliya Labo Caruur oo walaalo ah oo ku dhintay Dab ka kacay Magaalada...

Labo Caruur oo walaalo ah oo ku dhintay Dab ka kacay Magaalada Hargeysa

0

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in labo caruur oo walaalo ah xalay ku geeriyoodeen dab xoogan oo ka kacay gurigii ay ku noolaayeen.

Ciidamada dabdamiska maamulka Somaliland ayaa ku guul dareestay in si deg deg ah dabka u damiyaan una bad baadiyaan labada caruur ee dabka ku geeriyootay iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

Sida aan wararka ku hel nay labada caruur ee geeriyootay ayaa waxaa dhalay askari katirsan ciidamada maamulka Somaliland , waxaana aabahan xiliga dabku ka kacayay gurigiisa ku maqnaa howlo shaqo.

Duqa cusub ee magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo masuuliyiin kale ayaa booqday guriuga dabka ka kacay ee caruurta ku geeriyoodeen, waxa ayna tacsi u direen ehelada caruurta dabkaasi ku geeriyootay.

Ad
Previous articlePuntland oo shaacisay liiska Golaha degaanka Degmada Bandar-Bayla
Next articleMaamulka Puntland oo ka halay Dagaalka Galmudug ka dhacay ee Khasaaraha geestay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here