Home Wararka Maanta Koox Dad ah lagu dilay toogasho cusub oo ka dhacday Mareykanka

Koox Dad ah lagu dilay toogasho cusub oo ka dhacday Mareykanka

0

Shan qof oo uu ku jiro ilmo 8 jir ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday guri ku yaalla degaanka Cleveland gobolka Texas ee dalka Mareykanka, sida uu baahiyey Tvga ABC News soo soo xiganaya booliska iyo maamulka maxalliga ah.

Warku waxa uu intaa ku daray in toogashadu ay dhacday goor dambe oo Jimcihii ah, waxayna boolisku weli baadi-goob ugu jireen ninka tuhunsan yahay oo aan weli gacanta lagu dhigin.

Saraakiisha xafiiska Sheriff County ee San Jacinto ayaa helay wicitaan ku saabsan dhibaatada ka dhacday Cleveland abbaare 11:31 pm. Waqtiga maxaliga ah laakiin markii ay goobta gaareen waxay heleen dhowr meydadka dhowr qof oo la toogtay.

Xafiiska Sheriff-ka ee degmada San Jacinto ayaa warbaahinta u sheegay in tuhmanuhu uu ahaa nin u dhashay dalka Mexico oo sakhraansanaa, hubaysnaa oo baxsad ah.

Booliisku ma aysan shaacin aqoonsiga dhibanayaasha iyo xiriirka suurtagalka ah ee ay la leeyihiin tuhmanaha, balse waxay sheegeen in dhamaantood ay ka yimaadeen dalka Honduras.

Wararka ayaa intaa ku daraya in toogashadu ay dhammaan ka dhacday hal guri, iyadoo afar qof oo la dilay la sheegay inay goobta ku dhinteen, halka midka shanaadna la sheegay inuu dhintay kaddib markii isbitaalka la geeyay.

Midka ugu yar dadka la dilay ayaa ahaa 8 jir iyadoo labo dumar ah oo dhibanayaal ah laga helay korka laba caruur ah oo badbaaday, sida warbixinta Booliska lagu sheegay.

Ad
Previous articleCiidmada Ukrain oo Duqayn ku Burburiyay Kaydkii Shidaalka ee Ruushka(Sawiro)
Next articleC/qaadir C/llaahi Axmed Waxyaabaha Maanka- dooriya oo badan heestay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here