Home Wararka Somaliya C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo ka hadlay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo...

C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo ka hadlay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee Maamul Goboleedyada

0

Waxaa uu ku eedeyay Guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ka tirsan IGAD ee dhawaan gudbiyay Warbixinta inay iska indha-tireen xaaladaha kajira Gobolka Gedo, waxaana uu sheegay in Warbixintaas ay tahay mid Madaxweynaha Jabuuti uu ku doonayo in uu ku dheereesto xukunka.

“ Waxaa ayaan darro ah maanta waxa cad oo meeshaan ka muuqda in ciidankii Siliga kasoo gudbay oo madaafiicda soo ridaya oo Xerada ciidanka Kenya ku dhex-jira in Madaxweynaha Jabuuti u yiraahdo Soomaaliya ayaa gardaran, Shacabka Soomaaliyeed  u sheegaya in Shacabka Jabuuti ay yihiin Walaalaheen raali kama ahana waxa lagu hadalay waxaa ay khaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dherer sananayo xukunka ayuu yiri” Taliyaha.

Qoraalka uu soo saaray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahan Mushrax Madaxweyne ayaa waxaa uu u qornaa sidan:

Waxaan soo dhoweynayaa shirka watashiga ah ee uu Madaxweynaha ku baaqay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug oo shirka marti gelinaya.

Madaxweyne Farmaajo cid kasta oo muddo xileedkeedii dhammaaday waa ka diiday in ay doorasho qabato. Wuxuu ka diiday Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna dalbaday in uu wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyo. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Xaaf, wuxuu dalbaday in wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu wareejiyo, wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, wuxuu ka dalbaday in uu madaxweyne ku xigeenkiisa ku wareejiyo. Wuxuu kaloo diiday in doorashadii Jubbaland iyo Puntland maalin lagu daro.

Maanta uu muddo xileedkiisii dhammaaday waa in uu xilka wareejiyaa, sababtoo ah dastuurna uma oggola, dadna uma dhaqna. Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo Kenya ku eedeesay Colaada Gobolka Gedo
Next articleAmaanka Caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug oo la adkeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here