Home Wararka Maanta Nin Soomaali ah oo 30 sano kaddib guri ku wareejiyay ninkii lahaa...

Nin Soomaali ah oo 30 sano kaddib guri ku wareejiyay ninkii lahaa oo uu muddo raadinayay

0

Maxamed Diiriye Faarax oo deggan magaalada Muqdisho ayaa muddo 30 sano ka badan raadinayey cidii lahayd guriga uu dagganaa oo ku yaalla xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, kaas oo qofkii lahaa uu ka cararay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalka 90-meeyadii.

Waraysi uu siiiyey BBC-da wuxuu Diiriye ku sheegay in guriga uu dagganaa nin adeerkiis ah muddo dheer, ka dibna uu geeriyooday ilaa xilligaasna ay raadinayeen cidda iska lahayd mulkiyadda gurigaasi.

Ilaa lix jeer ayuu sheegay in lagu soo weeraray guriga oo dad kale ay sheeganayeen inay leeyihiin, balse uu markasta ku xiray inay la yimaadaan sharciyo xaqiijinaya lahaanshihiisa.

Diiriye ayaa xusay inuu dayactir ku sameeyey guriga oo uu ku kireeyey 150$, uuna si gaara ugu xilqabay ilaalintiisa. Wuxuu xusay in uusan ka daalin raadinta cida guriga lahayd oo uu baahin jiray.

“Waxaan markasta raadin jirey cida iska leh guriga, waayo dagaalladii ayaan qiyaasayaa inay dadkii lahaa ka qaxeen guriga balse nasiib wanaag waxaaa yimi ninka guri lahaa. Waxaana xaqiijiyey inuu sax yahay dukumintiyada uu watay, sidoo kale nin ka mid ahaa dadkaa aadka u yaqaanay ayaan la xiriray oo waydiiyey intaas ka dib waxaa caddaatay in u isaga guriga leeyahay,” ayuu intaas raaciyey Maxamed Diiriye.

“Wuu ii cafiyey dhammaan intii aan guriga dagganaa aniga iyo qaraabadayda wuxuuna ii sheegay inuusan waxba ka rabin waxay ka heleen muddadaas guriga” ayuu intaas raaciyey.

Mulkiilaha Guriga

Cabdirixmaan Xasan Bootaan oo 1990-kii ka qaxay Muqdisho ka dib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa u barakacay gobolka Sanaag halkaas oo uu nolol ka bilaabay.

Bootaan oo mudo soddon sano ah gurigiisii ka maqnaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu hantidiisa dib u helo ugana mahadceliyey Maxamed Diiriye inuu u ilaaliyey oo aakhirkiina ku wareejiyey

Ad
Previous articleDhaliyaro Soomaali ah oo isku Laysay Dalka Holland iyo 4 Dhimatay
Next articleCosoble oo ka Hadlay Sababtii ku kaliftay inuu Weeraro beesha Abgaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here