Home Wararka Maanta Qabanqaabada aaska Luul Cabdicasiis oo Muqdisho ka socota

Qabanqaabada aaska Luul Cabdicasiis oo Muqdisho ka socota

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qabanqaabada aaska marxuumad Luul Cabdicasiis oo dabayaaqadii bishii Jannaayo ee snnadkan ku geeriyootey magaalada Muqdisho, ka dib markii ninkeedi uu gubay, sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir.

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa goordhow laga soo saaray qaboojiyaha isbitaalka Racep Tayyib Erdogan (Digfeer) oo ay tiilley tan iyo markii ay u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaarey dab uu qabdsiiyey ninkeedi xilli ay ku sugneyd gurigeeda oo ku yaal Muqdisho.

Qoyska marxuumadda ayaa ku adkeystay in aan gabdhooda la duugeyn inta ay caddaalad ka heleyso, wuxuuna aaskeedu ku soo beegmayaa maalin un ka dib markii maxkamadda Gobolka Banaadir ay dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ahaa ninka dhimashadeeda loo haystay.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da ee Muqdisho Maxamud Cabdicasiis, Allaha u naxariistee Luul ayaa saacadaha soo socda saakay lagu aasaayaa xabaalo ku yaaal deegaanka Jasiira ee dhaca duleedka koonfureed ee Muqdisho, halkaas oo godkeeda laga qoday.

Dadweyne badan oo isugu jira ehehlda marxuumadda iyo qaar la dareen ah ayaa ka qaybgalaya aaskan oo soo xiraya maalmo dheer oo murugo iyo tiiraanyo ku reebay qoyskii ay ka baxday oo ay ku jiraan 6 carruur ah oo agoon iyo rajo noqday.

Ad
Previous articleDadkii ugu horeeyay oo ku dhintay weerarada ay kooxda xuutiyiintu ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga
Next articleCali Khaliif Xirsi oo Dil Toogasha ah Maantay Lagu Fuliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here