Home Wararka Somaliya Sawiro: Dekada Hobyo oo laga Dajinayo 150 Gaari Maanta, Markii 6aad

Sawiro: Dekada Hobyo oo laga Dajinayo 150 Gaari Maanta, Markii 6aad

0

Dekada Hobyo ayaa u muuqaya mid Si Rasmi ah u dabooshay Baahida Ganacsatada Galmudug kuwaasi oo Markii Hore Gawaarida iyo Xamuulka kale kasoo dajin jiray Dekada Boosaaso.

Shalay iyo Maanta Dekada Hobyo waxaa taagan Dooni weyn oo sida 150 Gaari in ka badan iyo Alaab Bagaasha kuwaasi oo badankooda laga soo dajiyay Dekada Iyo doonta.

Gawaarida 150 ah waxaa sidoo kale ku jira Qalab Spare Parts ah ama Qalabka Gawaarida kuwaasi oo qaali ah isla markana muhiim ah.

Mid kamid ah Ganacsatada Galmudug ayaa sheegay in si rasmi ah ay u dabaalantay Baahiyaha ay qabeen una Baahneen Dekad ay sugaan si loo dhiso.

Dhawaan ayay Aheyd markii Ganacsato Galmudug ah ay si Macmal ah u dhiseen Dekada Magaalada Hobyo taasi oo hada Maraakiibta toos ugu soo xirmaan.

Mudug24.com Hobyo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo caawa Kulan la qaatay culimada Soomaaliyeed
Next articleFaah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here