Home Wararka Maanta Tirada deegaanada ee Al-Shabaab laga qabsaday 24-kii saac ee lasoo dhaafay

Tirada deegaanada ee Al-Shabaab laga qabsaday 24-kii saac ee lasoo dhaafay

0

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sheegaya in howl-galadii ugu dambeeyay ay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud.

Hiiraan: Deegaanada cusub ee Al-Shabaab lagala wareegay ayaa waxaa kamid ah Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Galguduud waxaa kooxda laga qabsaday deegaano ay ka mid yihiin Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, Aboorey Cali-weyd iyo Dacawa-xun.

Gobolka Bay waxaa saacadihii u dambeeyey Al-Shabaab laga xoreeyey deegaano ay ka mid yihiin, Baayale, Caliyow-dooyow, Xaawa-Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ayaa waxay sheegeen in Al-Shabaab laga qabsaday deegaanka Laba-dulle.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee shalay si nabdoon kula wareegay deegaanka Labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka xoogga dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii uu Khamiistii ka jeediya shirka 77-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ad
Previous articleCiidamada Xooga oo Gargaar Gaarsiiyay Meelo laga Xoreeyey Alshabaab(Sawiro)
Next articleDowladdii ugu horreysay ee Carbeed oo Canbaaraysay qaraxii xerada Dhagabadan Shalay lagu Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here