Home Wararka Maanta P.M Rooble iyo Cabdi Xaashi oo Ka Wada Hadlay Arimo Xasaasi Ah(Sawiro)

P.M Rooble iyo Cabdi Xaashi oo Ka Wada Hadlay Arimo Xasaasi Ah(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Rooble ayaa ku bogaadiyay Cabdi Xaashi dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga  doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada aqal ee BJFS oo dhowaan la qaban doono.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhinaciisa rooble ku amaanay sida uu ugu dhabar adeygay doorashada iyo dedaalka xoga leh ee uu ku bixiyey, isagpp xusay iney taariikhfu xusi doonto.

Ad
Previous articleWasiir ka tirsan Dowlada Denmark oo iska casilay Xilkiisa
Next articleMareykanka oo wacad ku maray inuu sii laba jibaarayo Taageerada Hubka Ukraine ilaa ay ka Guuleysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here