Home Wararka Somaliya Puntland Wararkii ugu dambeeyey dagaal dhexmaray Somaliland iyo Puntland iyo khasaaro Xoogan oo...

Wararkii ugu dambeeyey dagaal dhexmaray Somaliland iyo Puntland iyo khasaaro Xoogan oo ka dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Ceyn ayaa sheegaya in maanta ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay ku dagaalameen gobolkaasi, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Qararro oo ay gacanta ku heyntiisa isku hayaan maamullada dariska ah ee Somaliland iyo Puntland.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo weli xiisaddiisu ay taagan tahay.

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka dhexmaray Somaliland iyo Puntland ku dhintay ugu yaraan illaa 2 askari, halka ay ku dhaawacmay 5 kale oo labada dhinac ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul ee fadhigooda yahay Hargeysa iyo Garoowe oo ku aadan dagaalka ku dhexmaray gobolka Ceyn.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana socdo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayada oo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in uu markale dib u qarxo dagaalka.

Si kastaba, labada maamul ayaa maalmihii u dambeeyey sameynayey dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna taasi keentay in Somaliland ay la wareegto degmada Boocame ee gobolka Sool, taas oo ka mid aheyd meelaha ay Puntland u qorsheysay doorashadeeda.

Ad
Previous articleSiyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho oo Dhawaan Xildhibaan u Tartamay
Next articleSweden oo lagu Xiray labo nin oo looga Shakisanyahay inay Basaas yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here