Home Wararka Maanta Wasiirkii Maaliyada Puntland oo ku baaqay in Siciid Deni laga badbaadiyo Puntland

Wasiirkii Maaliyada Puntland oo ku baaqay in Siciid Deni laga badbaadiyo Puntland

0

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyada Puntland Xasan Shire Cabdi oo kamid ahaa saaxiibadii ugu dhowaa ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa kashifay sababaha keenay xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyey, wuxuuna sheegay in ay Deni isku afgaran waayeen qabashada doorasho lagu raadinayo mudo kororsi aan sharci aheyn, kaas oo uu sheegay in aan laga qabaneyn gobaladii 5ta ahaa ee wada dhistay dawlad gobaleedkan.

Xasan Shire Cabdi oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kuwareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Cabdirmaan Dhabancad ayaa sheegay inuu ahaa shaqsigii ugu dhowaa ee Madaxweyne Deni dhistay doorashadii 2019, haseyeeshee khilaafkoodu kadhashay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Deni doonayo inuu Puntland ka qabto.

Deni ayuu sheegay in ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo doorashada golayaasha deegaanka oo Siciid ku adkaysatay in laga qabto 12 kamid ah degmooyinka Puntland, balse isagu qabay aragtida ah in aan la kala dhantaalin mashruuca doorasho qof iyo cod ah, iyadoo aysan dadku kuwada qanacsaneyn.

Markii koowaad ayuu Mr, Abgaal caddeeyey in Deni ay isku maandhaafeen doorashadii madaxtinimada Soomaaliya oo uu madaxweynuhu kusoo guuldarraystay iyo saluugmada Puntland ka qabtay xulista Ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubnaha golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambayntiina Xasan Shire ayaa Gudddoomiyaha barlamaanka iyo Madaxweyne Ku-xigeeenka ugu baaqay inay Puntland ka badbaadiyaan wadada uu hadda wax ku wado madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu kusifeeyey mid an sharciyad heysan, laguna raadinayo mudo kororsi in deegaanadaas loo horseedo nabadgalyo darro baahsan.

PUNTLAND: ayaa hadda wajahaysa daganaansho la’aan siyaasadeed xoog leh, taas oo ka dhalanaysa mirihii kasoo baxay doorashooyinkii Heer Federaal oo lagu guuldareystay damacyadii ay darafyadu lahaayeen, sidaas oo kale Deni ayaa doonaya mudo korarsi xeeladaysan, inkasta oo ay mandiqada taas aad uga suuragal aheyn waqtigan

 

 

Ad
Previous articleWiilka Museveni: Labo isbuuc nagu qaadan meyso inaan qabsanno Nairobi
Next articleAl Shabaab oo hubeesay Odayaal kasoo jeeda Abgaal kuna dhawaaqay Dagaal (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here