Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Saraakil Sare Sare ooAlshabaab ah oo Lagu laayay Galmudug...

Wararkii ugu Danbeeyey Saraakil Sare Sare ooAlshabaab ah oo Lagu laayay Galmudug iyo Degaan Laga Qabsaday Alshabaab

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ee ka sameeyeen duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cali Yabaal ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa looga hadlay howlgalkan, waxaana lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna dilay Shabaab badan.

Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lagu laayay weerarkan ay isugu jiraan saraakiil iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka uu howlgalka ka dhacay.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud. Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen goobaha howlgalka laga sameeyay, isla markaana la burburiyey xarumihii Al-Shabaab.

“Degaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guusha ka sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleOdayaasha Deegaanka Lug Haye oo Wacad ku maray inay Itooboya Iska Difaaci Doonaan Musi Biixina Hadal Adag Udiray(Sawiro)
Next articleBooliska Oo war kasoo saaray Dilka Ganacdade Dhawaan lagu Dilay Muqdisho iyo Taliyayaal loo Xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here