Home Wararka Somaliya Diyaarado Ciidan sida oo kasoo dagay Garoonka Aadan Cade Magaalada Muqdisho

Diyaarado Ciidan sida oo kasoo dagay Garoonka Aadan Cade Magaalada Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in diyaarado sida ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haram Cad laga soo dejiyay garoonka.

Ciidamadan oo hubkooda wata ayaa laga soo qaaday magaalooyinka Baladweyne iyo Dhuusomareeb oo dowlada horey u geesay, waxaa sidoo kale la filayaa in dowlada Muqdisho kusoo celiso ciidamo kale oo gobolka Gedo horey u geesay.

Sida aan wararka ku helnay dowlada ayaa ciidamadan ee Muqdisho kusoo celisay u adeegsaneysa dagaalka ka dhanka ah ciidamada mucaaradka ee diidan mudo kororsiga ee sameesteen Xildhibaanada golaha Shacabka.

Saraakiil iyo ciidamo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen in ay qeyb ka noqdaan dagaalka dowlada uga soo horjeedo mucaaradka, waxa ayna saraakiisha dowlada go’aamiyeen in gobolada qaar laga soo celiyo ciidamada Haramcad.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan musharaxiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda Mudo kororsiga, waxaana magaalada ka bilowday barakac baahsan.

Ad
Previous articleDadka ka barakacaya Magaalada Muqdisho oo sii kordhaya maanta
Next articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay Iska difaacayso Ciidamada Milateriga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here