Home Wararka Somaliya Munaasabada ciida oo Maanta si weyn looga dabaal degay Somaliya

Munaasabada ciida oo Maanta si weyn looga dabaal degay Somaliya

0

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Arbaco aheyd ay dhameystireen 30-ka Bisha Ramadaan, halka degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab laga ciidayay.

Meelaha  Maanta ay u tahay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa waxa kamid ah Magaalada Muqdisho inta badan Maamul Goboleedyada & degaannada Somaliland, kuwaas oo saaka siweyn laga dareemayo Ciida.

Sidoo kale wadamo badan oo kamid ah kuwo Caalamka ayay Maanta u tahay Maalinta koobaad ee Ciida, waxaana jiray Afal dal oo Afrikaannah, kuwaas oo shalay Ciiday, halka inta badan dalalka Reer Galbeed oo Muslimiinta ku nool ay shalay Soomanaayeen.

Soomaaliya ayaa sanadkaan 2021 waxaa ay u aheyd sanad la isku khilaafay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, kadib markii  Al-Shabaab ay iclaamiyeen inay shalay oo Arbaco aheyd tahay Maalinta koobaad ee Ciida halka dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in Khamiista Maanta ah ay tahay Maalinta Kobaad ee Ciida.

Ad
Previous articleBanaanbax Maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo
Next articleGalmudug oo Baaraysa sababihii ka dambeysay dil Loo gaystay sheikh Cali dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here