Home Wararka Maanta Deg Deg: Gacan ku Dhiiglihii Dilay Atooraha Bada oo lasoo Qabtay iyo...

Deg Deg: Gacan ku Dhiiglihii Dilay Atooraha Bada oo lasoo Qabtay iyo Booliska oo Ka Adlay

0

Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Xalay lagu dilay xaafada Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaanay (Atooraha badda) ayaa waxaa rasaas ku furay Saxiibkiis oo shaqa wadaag ahayeen laguna magacaabo leefleefow .

Booliska Soomaaliyeed oo Tagay Halka Uu Dilku Ka dhacay Xalay ayaa Sheegay in Leefleefow uu Qirtay inuu Dilay saaxiibkiis Atooraha Bada Kadib markay isku Qabsadeen lacag loo Soo aruuriyay Dad Masaakiin ah.

Sida afhayeenka Boolisku uu Sheegay Gacan ka Hadal ka Dhashay Khilaafka lacag Dhan 60.000 oo Doolar ayaa Sabababay Dilka Atooraha Bada.

 

leefleefow ayaa Atooraha Bada Ka Codsaday in lacagta ay Qaybsadaan Balse uu Diiday atooraha Bada arinkaas, kadibna Dagaal Ku bilowday tooreey ayaa Dhexmaray Labadooda Taas ugu danbayn sababtay in Atooraha Bada sadex xabadood lagu dhuftay sidaasna u ku geeriyooday.

 

leefleefow ayaa kadib wacay booliska asagoo U sheegay in atooraha Bada ay Dileen Shabaab asna uu ka Badbaaday leefleefow ayaana qariyay Buskooladii uu Dilka ku gaystay iyo tooreydii sida boolisku sheegeen ugu danbayn leeflefow ayaa Xabsiga la dhigay booliska ayaana sheegay in maxkamad lasoo Taagi doono

Ad
Previous articleRuushka oo Oo Ku Dhawaaqay in Dagaalkii Saddexaad ee adduunka uu dhacayo
Next articleDowlada Germalka oo Lacag Dheeri ah ugu dartay Dadka Ceyrta Qaata ee Caawinta loo balan qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here