Home Wararka Somaliya Jubbaland Saraakiil katirsan Al Shabaab oo goob fagaare ah kula ciiday dad Shacab...

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo goob fagaare ah kula ciiday dad Shacab ah (Sawirro)

0

Deegaannada iyo degmooyinka ay dalka ka joogaan kooxda Al Shabaab ayaa maanta si weyn looga ciiday, waxaana saraakiil iyo dagaalyahano badan oo katirsan kooxdaasi goobo fagaare ah kula dukadeen dad shacab ah.

Magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa kamid ah goobaha sida weyn maanta looga ciiday, waxaana fagaare kuyaalla magaaladaasi kuwada dukaday saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab iyo dad badan oo shacab ah.

Saraakiisha Al Shabaab ee shacabka fagaaraha kula dukaday waxaa kamid ahaa Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha cusub ee Al Shabaab u magacawday gobolada Jubooyinka.

Fagaarayaasha lagu ciiday qaarkood ayaa Al Shabaab kusoo bandhigeen mahrajaano iyo dhoolo tusyo ay sameenayeen dagaalyahanadooda, waxaa sidoo kale goobahaasi isugu soo baxay carruur badan oo astaanta Al Shabaab madaxyada loogu xiray.

Ad
Previous articleMasuuliyiinta Gobolka Banaadir oo la ciiday shacabka degmo ka tirsan Muqdisho (Sawirro)
Next articleDiyaarad Uu leeyahay Ruushku oo Duqaysay MagaalonKa Tirsan Ruushka oo ay Ukrain Mooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here