Home Wararka Somaliya Galmudug Faah Faahin Dheeri ah oo kasoo Baxaysa Dilka Askari lagu Dilay Degmada...

Faah Faahin Dheeri ah oo kasoo Baxaysa Dilka Askari lagu Dilay Degmada Guriceel

0

Sida ilo lugu kalsoonaa karo oo ku dhow saldhigga Degmada Guri-ceel ii xaqiijiyeen waxaa gacanta lugu soo dhigay 4 Dumar ah oo lala xariirinayo ineey ku lug lahaayeen Mashinkii Maanta lugu Qaarajiyay Alle Ha u naxariistee Marxuum Cumar Guuce Xuseen Oo ahaa Askari ka tirsan Ciidanka booliiska Degmada Guri-ceel.

Dumarkaan oo ay Kamid tahay Xaaska Marxuumka Saakay ladilay ayaa Markii dilku dhacay Isaga Baxay Degmada Guri-ceel waxaana ay u baxeen Dhanka Degaanka Ceeldheere iyagoo intii ay sii lugaynayeen Horay usii raacay Gaari Nuuca soomaalidu utaqaanno Candha-mayd.

Laamaha Ammaanka oo arrintaan Horay uga war hayay ayaa xariir lasameeyay Deegaanka ceeldheere oo ay ku suganyihiin Ciidanka Dowladda taas oo sahashay in dumarkaas baxsadka ah Gacanta lugu soodhigo.

ALLAAH HA U NAXARIISTEE CUMAR GUUCE XUSEEN AYAA SAAKAY ASKARI KA TIRSAN NABAD SUGIDDA WAXA UU KU DILAY DEGMADA GURI-CEEL.

BAARITAANNO AYAA HAATAN KUSOCDA AKARIGII DILKA GAYSTAY.

Ad
Previous articleWasiirka Gaashaan Dhiga,Taliya Ciidamada XDS oo Gaaray Hiiraan Oo Shabaab lagula Dagaalamaayo(Sawiro)
Next articleXog ku saabsan Saraakiil itoobiyaan ah oo gaaray Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here