Home Wararka Maanta P.M Xamsa Cabdi Barre oo Jaga Sare u Magacaabay Dr Hodan Cismaan...

P.M Xamsa Cabdi Barre oo Jaga Sare u Magacaabay Dr Hodan Cismaan Cabdi.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay La-taliyaha Sare, ahna Xiriiriyaha Guud ee Horumarinta Karaanka Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dr Hodan Cismaan Cabdi.

Wareegtada uu soo saaray Raísul Wasaare Xamse Barre ayaa lagu sheegay in Dr Hodan Cismaan Cabdi lagu xushay aqoonteeda iyo kartideeda, uuna rejo badan ka qabo in howsha loo igmaday ay kasoo bixi doonto.

”Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabistan kadibn markuu arkay kartida, aqoonta iyo waaya-aragnimada Marwo Hodan, isla markaana uu Tixgaliyay baahida loo qabo in la hormariyo awoodda iyo karaanka bulshada, taasi oo qayb ka qorshaha Xukuumadda DanQaran”’ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Raísul Wasaare Xamse.

Raísul Wasaare Xamse ayaa horey u sameeyay magacaabis kala duwan, waxa uuna maalmo kahor magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Ad
Previous articleAlshabaab oo isaga Baxay Wabxo iyo Ciidamada Dowlada oo ku Hareeraysan
Next articleWaa kuma cunto-kariyihii Soomaaliga ahaa ee geeridiisa ay gilgilashay xaafaddii uu kaga noolaa Mareykanka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here