Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Maalintii labaad kasocda Dhuusamareeb iyo Deni oo Wali...

Wararkii ugu Danbeeyey Shirka Maalintii labaad kasocda Dhuusamareeb iyo Deni oo Wali ka maqan

0

Magaalada Dhuusamareeb waxa maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qayb galayaan madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo markii sedexaad aan xaadirin shirrarka golaha.

Siciid Dani ayaa shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka uga maqan khilaaf kala dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka. Dhawr jeer oo hore oo la isku dayay in xal loo helo muranka labada dhinac ayaa guuldarro ku soo dhammaaday, waxayna labada dhinac warbaahinta isu marinayeen hadallo uu midba midka kale ku dhaliilayo in uu masuul ka yahay khilaafka taagan.

Shirka ka furmay Dhuusamareeb oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka qayb galayaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, xasilinta deegaannada laga saaray Alshabaab iyo adeeg gaarsiintooda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Lama oga inta uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani uu ka sii maqnaan doono shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka, in kastoo wakiillada beesha caalamka ay dhawr jeer ugu baaqeen in uu ka qayb galo kulamada, halkaasna uu aragtidiisa ku soo bandhigo.

Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Dowlada Xasan Shiikh Ka Dalbaday Baaritaan Deg deg ah Wixii Ka Dhacay Shalay Cowswayne oo Wali Xasan Shiikh ka aamusanyahay
Next articleWaa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka Somaliland looga qabsaday Goojacadde?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here