Home Wararka Maanta Dowlada Imaaraadka oo Cadaysay Mowqifkeeda Murqnka Soomaaliya Iyo Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya

Dowlada Imaaraadka oo Cadaysay Mowqifkeeda Murqnka Soomaaliya Iyo Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageero buuxda u muujisay dowladda federaalka Soomaaliya kadib xiisaddii ka dhalatay is-afgaradka sharci-darrada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Khalifa Shaheen Almarar ayaa hogaamiyey wafdi sare oo Imaaraadka uga qeyb-galay shirka wasiirada arrimaha dibedda Jaamacadadda Carabta ee ay codsatay dowladda federaalka.

Shirka oo lagu qabtay hab fogaan arag ah ayaa looga hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa lagu yiri “Intii uu socday kulanka, wasiirka wuxuu caddeeyay taageerada Imaaraadka ee madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay in Imaaraadka ku garab taagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya maamulka dowladnimo ee madax-baanida buuxda ee dhulkeeda, iyo in dalalka Carabta lagala shaqeeyo wax kasta oo ay u arkaan inay lagama maarmaan u tahay arritan.”

Wasiir Khalifa Shaheen Almarar ayaa sidoo kale iftiimiyay baahida loo qabo dadaallo iskaashi oo lagu horumarinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika, iyo sidoo kale dajinta xiisadda, wadahadallo iyo diblomaasiyad.

Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sahamiyo siyaabaha looga kaashan karo IGAD iyo Midowga Afrika xaqiijinta xasilloonida Geeska Afrika.

Kulanka ayaa lagu soo geba-gebeeyey ayada oo laga soo saaray qaraar lagu taageerayo Soomaaliya.

Taageerada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa imaneysa laba toddobaad kadib markii la saxiixay is-afgaradka, iyo ayada oo uu jiray tuhun ku saabsan in Imaaraadka wax ka ogaa.
Ad
Previous articleFahad Yaasiin oo Talooyin Cajiib ah usoo Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii Jaamacadda Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here