Home Wararka Somaliya Galmudug Xiisad ka taagan Gaalkacyo kadib Markii Kursi gaar ah loo xiray Cabdi...

Xiisad ka taagan Gaalkacyo kadib Markii Kursi gaar ah loo xiray Cabdi Kariin Dhalac

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug waxaa ka jira Xiisad adag oo ka dhalatay Doorashada Barlamaanka.

Xiisada ayaa salka ku heyso Kursiga HOP095 oo sida la sheegay loo Xiray Siyaasiga Cabdi Kariin Dhalac.

Kurigan ayaa la filayaa in dhawaan lagu qabto Gaalkacyo lakin Madaxeyne Qoor Qoor ayaa u xiray Siyaasiga Cabdi Kariin Dhalac oo mudo 9 sano ah ku fadhiyay.

Sababta uu Qoor Qoor ula doonayo ayaa ah inuu kamid yahay Garabka Farmaajo waxana arintaasi ay dood ka abuurtay dhanka Doorashada.

Sida ilo Muhiim ah la wadaageen Mudug24 Kursigana ayaa noqonaya mid doorashadiisa u dhacdo si lamid ah Ubah Tahliil.

Beelaha Galmudug ee Gaalkacyo ayaa Qoo Qoor iyo Qeybaha Ciidanka ku wargaliyay in aysan Qorshaha Dowlada aysan ka Shaqeyn karin Magaalada isla markana leesku soo diyaariyo Doorashada.

Ad
Previous articlePutin oo Talaabo ka Dhan ah Reer Galbeedka Markale Qaaday
Next articleDeg Deg: Abaabul Xoogan oo Saakay Laga Dareemaayo Magaalada Gaalkacyo iyo Gaadidka Dagaalka oo Banaanka Loosòo Baxshay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here