Home Wararka Maanta Sawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo Abdirahman Sheikh Hassan iyo Wasiiro Booqday Isbitaalka Gaalkacyo

Sawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo Abdirahman Sheikh Hassan iyo Wasiiro Booqday Isbitaalka Gaalkacyo

0
Duqa Degmada Gaalkacyo Abdirahman Sheikh Hassan iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise Oo uu weheliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Axmed Mire Faafaale ayaa Kormeeray isbitaalka Guud ee Gaalkacyo oo uu ka socdo Gurmad loo Sameynayo dadka uu soo ritay Xanuunka COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay.
Maayarka Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa sheegay in Dowladda hoose ay Kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto ka hortaga iyo wacyi gelinta Cudurka Corona Virus oo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ay shaacisay in 6 kiis oo ka mid ah oo cusub laga helay Gaalkacyo wuxuuna Maayarku Maamulka iyo Shaqaalaha isbitaalka uga mahadceliyay sida ay markasta heeganka ugu yihiin la tacaalida kiisaska cudurka dilaaga ah ee Covid-19.
Ad
Previous articleGuddiga Abaabulka Banaanbaxayaasha oo War soo saaray (SAWIRO)
Next articleWar deg deg Ah:- Dabley hubaysan oo Caawa weerar qaraxyo ku bilowday la beegsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here