Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Milateriga Somaliland iyo Ethiopia oo qaaday tallaabo xasaasi

Wararkii Ugu Danbeeyey Milateriga Somaliland iyo Ethiopia oo qaaday tallaabo xasaasi

0

Taliyaha Millateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Taani iyo Taliyaha Milateriga Ethiopia Marshal Birhanu Julana ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Taliyaha Milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada dalka Ethiopia.

Kulanka Taliska Milateriga Somaliland iyo Ethiopia ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaadheen Addis Ababa, kaasi oo Itoobiya lagu siinayo qeybo kamid badda Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa baahisay in labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha xiriirka Milateriga iyo iskaashigooda, kaasi oo sidoo kale qeyb ka ahaa heshiiskii is-afgarad ee toddobaadkii tegay ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Is-fahamkii ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ay ku gaadheen Addis Ababa oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeeed dhan 20KM ayaa sidoo kale waxaa ku jiray iskaashi ballaaran oo labada dhinac yeeshaan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha millatariga.

Maalmo kahor ayay aheyd markii Taliska ciidanka Milateriga waddanka Itoobiya uu sheegay in aysan dhag jalaq usiin doonin, islamarkaana ay naftooda u huri doonaan fulinta heshiiska ay Itoobiya ku helayso bad, kaasi oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadu sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dalka.

Taliska ayaa markaas sheegay in heshiiska uu yahay mid fursad dahabi ah siinaya dalka Itoobiya, uuna soo celinayo taariikhdii hore ee ay lahaayeen, ayna lagama maarmaan tahay helista bad maadaama kordhayaan tirada Itoobiyaanka oo kusii socda 150 milyan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Milateriga Ethiopia.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay ka dhalatay dhaleeceyn xoogan oo ay la kulmeen labada dhinac, ayada oo dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin lagu burinayo heshiiskaas.

Ad
Previous articleAlshabaab ku Wajahna Galgaduud iyo Mudug si ay uga Qaybgalaan Dagaalada Socda oo lagu Qabtay Baladweyne(Sawiro)
Next articleTaliye Sare oo ka Tirsanaa NISA iyo Ilaaladiisa oo Weerar Dhaba Gal ah lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here