Home Wararka Maanta Faahfaahin Yaasiin Farey oo hanjabaad ka soo saaray arrintii maanta ka dhacday...

Faahfaahin Yaasiin Farey oo hanjabaad ka soo saaray arrintii maanta ka dhacday isgoyska Siinaay

0

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay banaanbixii maanta ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil Camera Man ah.

Taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi oo caawa shir jaraa’id ku qabtay isgoyska Siinaay ayaa sheegay in lasoo xiray dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday dadkii banaan-baxa dhigay.

“Askari kasta oo xabad ka riday halkaas waa la xiray, waxaana kiiskaas ku socota baaris, maxkamad ayaana lagu kala bixi doonaa,” ayuu yiri taliyaha booliska Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday inay cadaaladda hor keeni doonaan askartaas, balse wuxuu shacabka Muqdisho ka dalbaday in aysan dhigin banaanbax dambe oo booliska aan ogolaasho ka heysan.

kale aysan nagu soo laaban,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir oo si adag uga hadlay banaanbixii maanta ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil Camera Man ah ayaa balan-qaaday in cadaaladda la horgeyn doono dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday shacabka.

Sidoo kale Taliye Macalin Mahdi ayaa shirkiisa jaraa’id ee caawa Siinaay uu ku qabtay wuxuu ku sheegay banaanbax dambe oo noocaas ah aysan ogolaa doonin, isagoo shacabka caasimada ka codsaday inay ka fogaadaan dhibaato lamid ah tii maanta ka dhalatay banaanbixii rabashadaha watay oo ay dhigeen.
Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Taliyaha Booliska Muqdisho oo go’aan adag ka soo saaray wixii maanta dhacay
Next articleXiliga lagu dhawaqaayo Xukunka Sayid Cali oo Xaaskiisa Oo aan wali La duugin Gubay oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here