Home Wararka Somaliya Puntland War cusub oo ku saabsan doorashada Puntland ayaa kasoo baxay Garaadada Khaatumo

War cusub oo ku saabsan doorashada Puntland ayaa kasoo baxay Garaadada Khaatumo

0

War kasoo baxay Garaadada Khaatumo ayaa lagu sheegay dhowr qodob oo ay ku muujinayaan inaysan ka qayb qaadan doonin doorashada Puntland ee dhacaysa siddeedda Janaayo.

Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo u hadlay Garaadada reer Khaatumo ayaa sheegay in:

1.Aysan jirin xildhibaano ay u dirayaan si ay uga qayb qaataan doorashada Puntland

2.Aysan jiri doonin cid matalaysa reer Khaatumo oo ka qayb qaadan doonta ama isu sharrixi doonta doorashada.

3.Ay ugu baaqayaan in labada xubnood ee ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka Puntland ee kasoo jeeda Khaatumo in ay is casilaan

Garaad cabdisalaan oo sheegay in qodobadani ay kasoo bexeen kulamadii u dambeeyay ee masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Khaatumo ayaa sheegay in ay u furan yihiin wada hadal kasta oo kale.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Xilka Qaadis ku Sameeyey Nasa Cige
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Duqaymo iyo Dagaalo ka Dhacay koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here