Home Wararka Somaliya Puntland Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland oo si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka...

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland oo si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo

0

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo ee Dastuurka maamulkaasi.

Qorshaha wax ka bedelka iyo meel-marinta Baarlamaanka ee ah in la furo Dastuurka ayaa dhawaan waxaa ka dhashay isku dhac hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe, gaar ahana agagaarka xarunta Aqalka Wakiilada.

Fariin lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Baarlamaanka Puntland ee Facebook ayaa waxaa lagu shaaciyay in wax laga bedalayo qodobka 46-aad ee dastuurka Puntland, qodobka 56-aad, qodobka 64-aad, qodobka 7-aad iyo qodobada 112-113.

“Muwaadin Golaha Wakiilada Dawladda Puntland isaga oo ka duulaya qodobka 139-aad faqradiisa 3-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, waxa uu dadweynaha dal iyo dibadba ku wargelinayaa in wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri farriintaan uu baahiyay Baarlamaanka Puntland.

Qodobka 46-aad oo kamid ah qodobada Dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxa uu ku saabsan yahay xisbiyada siyaasadda, wuxuuna Baarlamaanka shaaciyay in wax ka bedelka lagu sameynayo qodobkaas la waafajin doono qodobada kale ee doorashooyinka.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Kenya oo saxiixay sharci ay ka biyo diideen mucaaradka iyo arrin laga cabsi qabo
Next articleNin lacag been abuur ah wax uga iibsaday Carwo kutaalla Muqdisho oo lasoo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here