Home Wararka Somaliya Rabshado iyo Dibad-baxyo ka socda Magaalada Laascaanood oo Rasaas laga maqlayo

Rabshado iyo Dibad-baxyo ka socda Magaalada Laascaanood oo Rasaas laga maqlayo

0

Waxaa maalintii shannaad oo xiriir ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka socda dibad baxyo waa weyn oo rabsahado wata, kuwaa oo ay dhigayaan shacabka magaalada degan oo kasoo horjeeda maamulka Somaliland.

Dibad baxayaasha oo u badan dhallinyaro ayaa dhagxaan ku tuuraya ciidamada ammaanka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaa oo dhankooda shacabka ku ridaya rasaas nool nool.

Waxaa maanta inta badan xiran goobihii ganacsi ee magaalada Laascaanood, waxaana magaalada ka socda dibad baxyo xooggan oo dadku uga soo horjeedaan ciidamada iyo maamulka Somaliland ee jooga Laascaanood.

Isbitaalada kuyaalla magaalada Laascaanood ayaa ah kuwa mashquul ah, waxaana halkaasi la geeyay dad ku dhaawacmay dibad baxyada rabshadaha wata ee maalintii shannaad ka socda magaalada Laascaanood.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Laascaanood ugu baaqay in xaalada dejiyaan, waxa uuna wasiirka codsaday in dhibaatada jirta wadahadal laga galo lana raadiyo xal aan rabsho aheyn.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Shacab Farabadan Ka Afduubtay Gobalka Hiiraan
Next articleWar Deg Deg Ah:- Shiikh Caan Ah oo lagu dilay Magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here