Home Wararka Maanta Askari Ka Tirsanaa Ciidanka Dowlada oo la Dilay iyo Ninkii Dilay oo...

Askari Ka Tirsanaa Ciidanka Dowlada oo la Dilay iyo Ninkii Dilay oo asna La Toogtay

0

Ciidanka Booliska Somalia ayaa sheegay iney caawa toogteen nin hubeysan oo ka tirsanaa Al shabaab kaasoo dil u geystay askari ka tirsan Ciidanka dowlada hoose oo ku sugnaa degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

“Caawa  oo Taariikhda tahay 06-04-2022  Abaaro  6:30 maqribnimo  waxaa weerar lagu soo qaadey Askari Minishiibiya ah oo Joogay Deegaanka Garasbaaley  gaar ahaa waaxda 3aad  ee Geedi Ferdhiye.

Booliska ayaa intaas ku daray goobtii lagu diley Askarigii   Minishiibiyada ahaa, isla markaana Ciidamo Boolis oo Goobta ku dhowaana ay  isla goobtii ku dileen Mid ka mid ah dableydii weerarkaas fulisay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meydka nin ay toogteen Booliska uu weli yaallo goobtii lagu dilay, iyadoo dadka degaanku sheegeen ineysan bar garaneynin, uuna ka yimid xaafado kale.

Ad
Previous articleQarax ka dhacay Magaalada Bosaaso iyo Faahfahin kasoo Baxaysa
Next articleGudoomiye Mursal “Koonfurgalbeed oo Maqan majiro Baarlamaan la Dhaarin karo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here