Home Wararka Maanta Afar carruur oo walaalo ah oo ku geeriyooday Muqdisho kadib markii uu...

Afar carruur oo walaalo ah oo ku geeriyooday Muqdisho kadib markii uu kusoo Dumay Gurigeeda Ayagoo jiifa(Sawiro)

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku geeriyoodeen afar carruur oo walaalo ah.

Afarta carruur oo ahaa dhammaan wiilal ayaa waxaa kusoo dumay dhisme qadiimi ah oo ay daganaayeen, kuna yaalla gudaha degmadaas.

Gaadiidka dab gurmadka oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay in ugu dambeyn maydadka carruurta laga soo saaro dhismaha hoostiisa.

Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Jimcaale oo si qiireysan uga hadlay dhacdadaan ayaan sheegay in carruurta ay da’doodu u dhexeysay 16 sano jir illaa saddex sano jir, isla-markaana uu ku qanacsan yahay qaddarta Alle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga uu guriga soo dumayay ay carruurta jiifeen banaanka guriga, balse uu dhismaha ku soo kordhacay.

Aabe Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaan ay ka bad-baadeen ilaa 11 qof oo kale oo kamid ahaa qoyska guriga ku noolaa.

Dhacdadan oo ay si weyn u tabisay warbaahinta gudaha ayaa xanuun ku reebtay ehellada carruurta, maadaama ay hal mar waayeen afar wiil oo muhiim u ahaa qoyska.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Shangaani  oo markii uu maqlay dhibkaan goobta gaaray ayaa sameeyay dadaal xooggan oo loogu gurmanayo qoyska ay waxyeellada kasoo gaartay guriga dumay.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa wel.ku yaallo guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, kuwaas oo halistooda leh.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa sanadihii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, waxaana kordhayay khasaaraha ka dhasha burburka dhismaha qadiimiga ee ku yaalla caasimada, kuwaas oo ay deegaansadaan qoysas danyar ah.

Ad
Previous articlePuntland oo Jawaab Culus ka Bixisay Eedeyntii Shalay uu Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleSiyaasi Hantiile ah iyo xaaskiisa oo dadka xubnaha jirka kala baxa oo xabsi la dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here