Home Wararka Maanta Rag katirsan Alshabaab oo hogaamiyahooda oo dhaawac ah daawo u waday oo...

Rag katirsan Alshabaab oo hogaamiyahooda oo dhaawac ah daawo u waday oo la qabtay

0

Wararka Laga Helaayo Degmada Ruunirgood ayaa Sheegaaya in Ciidamada Macawislayda ew Kusugan Ruunirgood ay Gacanta Ku Dhigeen Rag Ka Tirsanaa Alshbaab oo ay Yaqaaneen Horayna Dagaalo adag Dhexmareen.

Ragaan oo Gaaraaya ilaa Sadex Qof ayaa Kasoo Muuqday Baraha Bulshada ayagoo La Xirxiray kadibna La Garaacaayo.

Saraakiil Kusugan Ruunirgood oo aan La Xariirnay ayaa inoo Xaqiijiyay in Ragaan ay ka Tirsanayeen Alshabaab isla Markaasna ay Qabteen Macawisleey Dadka Deegaanka ah oo Horay u Yaqaanay.

Ragaan La qabtay ayaa Waday Daawo Taas ay ku Sheegeen inay u Wadeen Gudoomoiyihi Ruunirgood Daahir Calasoow iyo Ciidamo kale oo Dhaawac ah kuwaas oo Kusugan Howdka Ruunirgood.

Raga Ka Tirsana Alshabaab ee la Qabtay Lana Jirdilay ayaa La sheegay mid ka mid ah inuu U geeriyooday Dhaawac kasoo Gaaray Jirdilka loogaystay Halka Kuwa kalana Loosoo Qaaday Muqdisho.

Alshabaab ayaa Haatan Wajahaya Culays iyo Weeraro Cir iyo Dhul ah oo Maalmihii Lasoo dhaafay lagu Haayay Dowlada Ayaana Horay u Baahisay inay Dishay Gudoomiyihii Ruunirgood Alshabaab u Qaabilsanaa Daahir Calasoow Balse Ragaan ayaa Shaaciyay inuu Noolyahay Daahir Calasoow Asagoo Dhaawav ahna oo Daawadii ka Go,day uu ku Sugan Yahay Howdka Ruunigood ee Gobalka Shabeelada Dhexe.

Ad
Previous articleBooliska Soomaaliya oo Ka Hadaly Sababta Loo Weeraray loona Soo Qabtay Jeneraal Sheegoow
Next articleWaa Kuma Sheegoow Goormee ayuuse kasoo Baxay Alshabaab?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here