Home Wararka Somaliya Galmudug Deg Deg Sarkaal ka Tirsan Ahlusuna oo Caawa dhaawac Culus Soo gaaray

Deg Deg Sarkaal ka Tirsan Ahlusuna oo Caawa dhaawac Culus Soo gaaray

0

Wararka ka imaanaya Gurceel Ayaa sheegaya in Sarkaal Lagu Magacaabo  Gaashaanle Sare Cabdulahi Cabdi Raage oo ka tirsan  Ahlusunnada  ee Guriceel maamusha uu dhaawac culus soo gaarey.

Dhaawaca Sarkaalkaan Ayaa yimid kadib markii gaari uu la socday kula dhacey gaari kale, xili uu ku socdaalayay deegaan koonfurta kaga beegan Guriceel.

Sarkaalkan oo koomo kujira ayaa loo soo qaaday dhaawaciisa guddaha guriceel oo lafilayo in looga sii gudbiyo Isbitaalada kale ee gobolka Galgaduud ku yaala.

Wararka qaar Ayaa sheegaya in Qorshuhu yahay in Loo Soo qaado Magaalada Muqdisho hadii Xal loo waayo Dhaawaca Sarkaalkaan.

Ad
Previous articleRa”isul Wasaare Rooble oo Caawa ka qeyb galay Bandhiga Buugaagta Galkacyo
Next articleMaxkamada Ciidamada oo xukun riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here