Home Wararka Somaliya Galmudug iyo QM maxay ka wadahadleen Maanta ?

Galmudug iyo QM maxay ka wadahadleen Maanta ?

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinaca uga wada hadleen oo ay diiradda ku saareen xaalada guud ee Galmudug, arrimaha Doorashooyinka dalka ka bilaawday iyo horumarinta degaannada kala duwan ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maalmihii u danbeeyay booqasho ku joogtay magaalooyinka Puntland iyo Galmudug iyadoona kulamo ka la duwan layeelaneeysay mas’uuliyiinta maamuladaas.

Kulanka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uu la yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan la filayo in degaannada Galmudug ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare

Ad
Previous articleGalmudug oo soo Bandhigtay Goobihii Alshabaab ay kala wareegeen {Sawiro}
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo go’aan ka gaaray doorashada Goballada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here