Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay Duqeynta Mareykanka uu ka Geestay Deegaanada...

Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay Duqeynta Mareykanka uu ka Geestay Deegaanada Galmudug

0

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ka sameeyeen degaannada Gobolka Mudug, halkaas oo ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bariga gobolka Mudug.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maanta Barqadii duqeyn lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, taas oo lagu difaacayay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada dowladda gar ahaan kuwa Kumandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland ee Gobolka Mudug oo soo saaray Digniino Culus
Next articleWar Hada Ah: Dagaal ka Socda Gobolka Galgaduud oo u Dhexeeya Galmudug iyo Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here