Home Wararka Caalamka Madaxweyne ordogan oo Dhigiisa Ruushka ugu Baaqay Xabad joojin Deg deg ah

Madaxweyne ordogan oo Dhigiisa Ruushka ugu Baaqay Xabad joojin Deg deg ah

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal uu Axaddii la yeeshay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ugu baaqay xabbad joojin iyo in gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku dhibaatoobay duullaankii Ruushka ee Ukraine.

“Erdogan waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay xabbad-joojinta u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine, hirgelinta nabadda iyo hagaajinta xaaladaha bini’aadantinimo ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu taageero nooc kasta ah oo ku saabsan geeddi-socodka.”

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Putin iyo Erdogan ay ku heshiiyeen in wareegga xiga ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine lagu qabto Istanbul

Ad
Previous articleCiidamada Booliska iyo Nabad Sugida oo Ka Jawaabay Amaradii Farmaajo iyo Rooble
Next articleDoorasha adag oo goordhow Ka Bilaabatay Magaalada Baladweyne(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here