Home Wararka Maanta Deg Deg: Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod u Qaaday In P.M Xamse 10...

Deg Deg: Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod u Qaaday In P.M Xamse 10 Cisho loogu Daro Waqtiga Soo Dhisida Wasiirada

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Villa Hargeysa ayaa maanta ka hadlay magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiirada Soomaaliya, ayaga oo go’aan cusub soo saaray, kadib kulankooda.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray illaa 145 mudane oo ka tirsan golaha, waxaana shir guddoomisay Sacdiyo Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Ugu horreyn waxaa xildhibaanada Soomaaliya loo aqriyey warqad ka timid ra’iisul wasaaraha, taas oo uu ku dalbaday in muddo 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro waqtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada cusub, maadaama muddadii 30 maalmood ahaa uu u haystay ay ka dhammaatay, waxaana qoraalka aqriyey xoghaya golaha C/kariin Buux.

Kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag u qaaday codsiga ra’iisul wasaaraha, waxaana ogol u codeysay 144 xildhibaan, halka uu diiday hal mudane, sida ay shaacisay Sacdiya.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku la qaateen Xamza qorshihiisa mudo dheereysiga ah.

Ad
Previous articleBaarlamaanka oo maanta la filayo in ay aqbalaan Codsi uu Ra’isul Wasaaraha u gudbinayo
Next articleMucaaradka Somaliland oo ku Hanjabay tallaabada ay qaadayaan November Kadib Baaqna Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here