Home Wararka Maanta Axmed Mayre Makaraan oo Sideed Sano Kadib Xilka Laga Qaaday

Axmed Mayre Makaraan oo Sideed Sano Kadib Xilka Laga Qaaday

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan oo ahaa ninkii ugu muddada dheer xilka deegaanada HirShabelle, kaas oo waqti fog hayay xilkan.

Axmed Meyre Makaraan ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe hayay tan iyo sanadkii 2016 oo xilligaas uu Cali Guudlaawe ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Wareegta haatan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyaha, ayada oo mas’uul cusub loo magacaabay gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Waxaa Mudane Axmed Meyre Makaraan laga qaaday xilka “guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ahna duqa magaalada” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sababta xilka looga qaaday ninkan ayaa waxaa lagu sheegay dardartgelinta howlaha maamulka gobolka iyo talo soo jeedin ka timid wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle

Sidoo kale waxaa xilkan loo magacaabay aqoonyahan Maxamuud Maxamed Nuur, sida lagu caddeeyay isla wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka HirShabelle.

“Waxaa Mudane Maxamuud Maxamed Nuur loo magacaabay xilka “guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada kasoo baxay xafiiska Guudlaawe.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowladda HirShabelle, Mahadsanidiin”.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddallo kala duwan oo uu haatan wado madaxweyne Cali Guudlaawe, kuwaas oo ku aadan maamul goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha oo xalay wareegto kale soo saaray ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Ad
Previous articleP.M Xamsa “Waxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan Soomaaliya International Transparency waxay nagu soo qortaa meel aad u fool xun yaa wada xaggee ka timid”?
Next articleMaxaad ka taqaan diyaaradda Bayraktar TB2 ee ay Soomaaliya soo iibsanayso?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here