Home Wararka Caalamka Qeybinta Qaxootiga ee Degmooyinka oo isbadal lagu Sameenayo Sida Dowlada Sweden Sheegtay

Qeybinta Qaxootiga ee Degmooyinka oo isbadal lagu Sameenayo Sida Dowlada Sweden Sheegtay

0

Dowladda ayaa ku dhawaaqday in ay dib u eegis ku sameyn doonto qaabka ay hey’adda socdaalka ugu qeybineyso qaxootiga gobollada dalka, si loo tixgeliyo xirfadda qaxootiga iyo baahida ay degmooyinku u qabaan takhasuskooda. Sida uu sheegay Radio Sweden maanta.

Tallaabada dowladda ayaa timid kadib markii shirkadda dharka ee Woolpower ee magaalada Östersund ay ka codsatay hey’adda socdaalka in laga caawiyo sidii loo heli lahaa shaqaale tayo leh.

Maamulaha wax soo saarka ee shirkadda Anna Khoberi ayaa Raadiyo Sweden u sheegtay in shirkaddu ay hay’adda socdaalka ka codsatay qaxootiga ka imaanaya dalka Ukrain in ay hay’addu gacan ka geysato sidii loo heli lahaa dad dhar toli kara oo geynaya magaalada Östersund si ay shaqo ugu helaan.

“Hay’adda Socdaalka xitaa ma aysan dooneyn in ay nala hadlaan dooddan, sababtoo ah taasi ma ahan shaqadoodii,” ayay raacisay.

Ma aha shaqada Hay’adda Socdaalka inay diiwaangeliso waxbarashada iyo xirfadaha qaxootiga iyo sida ay ugu habboon yihiin baahida shaqo ee degmooyinka kala duwan. Hase yeeshe, shaqadeedu waa inay hubiso in tirada qaxootiga si siman loogu qaybiyo degmooyinka.

Xafiiska shaqadu waxa uu u xilsaaran yahay in uu dadka cusub ka caawiyo sidii ay suuqa shaqada u soo geli lahaayeen, laakiin aan wax saamayn ah ku yeelanayn halka la dejinayo.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa hadda sheegtay inay wax ka qaban doonto arrintan. “Waxaan rabnaa in arrintan si dhaqso ah wax looga qabto, maadaama ay faa’iido u leedahay Sweden iyo sidoo kale dadka halkan yimaada si ay dhaqso u helaan shaqo,” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo isdhexgalka Johan Pershon.

Ad
Previous articleUrurka NATO oo Shir ka yeelanaya Gantaalka ku soo dhacay Dalka Poland
Next articleTrump Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Xilka Madaxtinimo Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here