Home Wararka Maanta Wiil Dhalinyara ah oo iska soo Tuuray Dabaq ku Yaal Muqdisho Si...

Wiil Dhalinyara ah oo iska soo Tuuray Dabaq ku Yaal Muqdisho Si uu Naftiisa u Badbaasho oo Geeriyooday

0

Hotel ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waaxda koowaad ee Jeneraal Daa’uud waxaa saakay ka kacay dab xoog leh, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii deganaa hotelka ayaa la sheegay inuu iska soo tuuray Dabaqa sare ee Hotelka, kadibna uu geeriyooday.

Dabka ka kacay Hotelkaas oo lagu magacaabo Himilo ayaa geystay kkasaare culus, markii laga soot ago dhimashada ninkaan, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dadka qaar, halka alaabihii yaallay hotelka ay wada gubteen.

Wiilka geeriyooday ayaa isku dayey inuu naftiisa badbaadsado, markii uu sii xoogeystay dabku, balse jug culus ayaa ku dhacday, maadaama uu iska soo tuuray qeyb sare.

Nafta ayaa deg deg uga baxday marxuumka, waxaana la sheegay in la aqoonsa waayey ehelkiisa, banaanka Hotelka ayuu muddo yaalay meydka marxuumka.

Halgan adag kadib, markii la demiyey dabkaas waxaa la sheegay in dhaawacyadii ka dhashay iyo meydka wiilka iska soo tuuray Dabaqa loo qaaday isbitaalka Madiina.

Waa qofkii labaad oo aan la aqoonsan oo saakay ku geeriyooday Muqdisho, nin kale oo oday ah ayaa saakay markii waagu beryey meydkiisa lagu arkay xaafadda Bangala ee degmada Deyniile, isagoo daldalan oo geed ka lulanaya.

Inkastoo aan weli la aqoonsan ehelka ninkaan, hadana dadka xaafadaas ku nool waxay sheegeen inay arki jireen subax kasta isaga oo aala-miiteynaya oo wata dharka jimicsiga ee Sports-ka.

Waxaa la kala xaqiiji waayey in ninkaan la daldalay iyo in isagu uu is daldalay, waxaa saakay la arkay isagoo qoorta xarig ugu jiro oo geed weyn ka lulanaya.

Sidii ay dadka xaafadaasi ku yaqaaneen, marxuumka ayaa watay dharkii aalamiitada ee subax kasta ay ku arki jireen, isagoo dhex ordaya xaafadda Bangala ee degmada Deyniile.

Shacabka xaafadaas oo dhan ayaa isku soo baxay, waxay u yeereen booliska oo meydkii ka furay geedka, balse lama kala xaqiijin weli in la dilay iyo inuu is dilay.

Ad
Previous articleMadaxweynaha SSC Khaatumo oo Soo Gaaray Muqdisho iyo ujeedkiisa oo la Shaaciyay
Next articleXildhibaanada Dowlada Soomaaliya ku Matala Soomaaliland oo ka Xumaaday Soodhwayntii Muqdisho loogu Sameeyey Madaxweynaha SSC Khaatumo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here