Home Wararka Maanta Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay Laaascaanood oo dib u soo...

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay Laaascaanood oo dib u soo noqonaya

0

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka deggan ka dib markii shalay ay ciidamada SSC la wareegeen saldhigii ugu weynaa ee ciidamada Soomaaliland ee Goojacade.

Dhanka kale dadkii ka barakacay magaalada Laacaanood ayaa haatan bilaabay in ay ku soo noqdaan guryohoodii iyadoo xaalad adagi ka taagan tahay.

Magaaladan oo ay dhexyaalaan qumucyo iyo rasas aan qarxin ayaa laga digayaa in soo noqoshadooda ay keeni karta qasaare rayidka soo gaara.

Inkasta oo masuuliyiinta ciidanku ay ilaa shalay ka digayeen in qoysasku ku soo laabtaan magaalada inta la nadiifinayo, hadana waxaa jira dad dib ugu soo laabtay.

Waxaa magaalada tan iyo xalay laga maqlayay rasaas ay dadka ugu dabaaldagayaan gushii ay shalay gaareen.

Qeybo badan oo magaalada Laascaanood ka mid ah ma laha koranto, biyo iyo dhamaan adeegyadii bulsho ee loo baahnaa.

Ma cada talaabada ay qaadi doonaan maamulka SSC oo haatan shirar uga socdaan magaaladaasi

Ad
Previous articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleWaa Sidee Xaalada Magaalada Ceelbuur ee Shalay Alshabab lagala Wareegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here