Home Wararka Maanta Biden oo si caro leh uga hadlay dil argagaxa leh oo loo...

Biden oo si caro leh uga hadlay dil argagaxa leh oo loo geystay dad Muslmiin ah ee Ku Nool Maraykanka.

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu ka careysan yahay dilka afar nin oo Muslimiin ahaa oo lagu dilay gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa baarayaa in dilkan lala xiriiriyay in uu ahaa weerar.

Biden ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu aad uga murugooday dilka ka dhacay magaalada Albuquerque, wuxuuna sheegay in maamulkiisu uu si adag u garab taagan yahay shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in qof lagu dilay halkaas Jimcihii halka laba qof oo kalena la dilay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Afarta qof ee muslimiinta ah ayaa kasoo jeeday koonfurta Asisa, waxaana lagu dilay weerar gaadmo ah.

Afhayeen u hadlay Muslimiinta gobolka New Mexico ayaa sheegay in dilkan uu argagax geliyay bulshada laga tiro badan yahay ee ku nool magaalada Albuquerque

 

 

Ad
Previous articleDeg Deg: Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Nabad Sugida Oo Goordhow Muqdisho lagu Dilay
Next articleGanacsade Soomaaliyeed oo Lagu dilay Konfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here