Home Wararka Somaliya Puntland Cumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas oo Qorshe lid ku ah Deni Ka...

Cumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas oo Qorshe lid ku ah Deni Ka Bilaabay Garowe Xili Xiisad Wali Ka Taagantahay Garowe

0

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cadiweli Gaas ayaa shalay gaaray magaalada Garowe oo xiisad ka dhalatay khilaafka doorashada ay ka taagan tahay.

Siyaasiyiintaan ayaa doonaya inay xal u raadiyaan khilaafkaas, sida uu warbaahinta la wadaagay Cumar Cabdirashiid, “Mar kasta oo doorasho soo dhawaato khilaafkaan waa yimaadaa, hadana arrinta taagan waxaan ku raja weynahay in jid loo bixiyo,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Wafdigaan lagu soo dhaweeyey Garowe ayaa cadeeyey inay xal u raadinayaan xiisadda, isla markaana ay wadahadal u furayaan dhinacyada isku haya doorashada Puntland.

“Masuuliyiin deegaankaan u dhashay ayaan nahay, in wixii jira xal waara loo helo ayaa nalaka sugayaa, khilaafkaan oo kale dowladda dhexe xitaa waa ku yimaadaa markii doorasho la gaaro, marka xalka arrintaan inaan ku guuleysa doono ayaan rajeynayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Cabdirashiid.

Wuxuu sheegay in Puntland ay tusaale muhiim ah u tahay Soomaalida oo dhan, sida doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay degmooyin dhowr ah.

“Waxaan rabnaa in Puntland ay ku daydaan dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana hubaa in wax kasta oo khilaaf ah oo Puntland ka jira xal loo heli doono,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Khilaaf adag oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkaan ka taagan Puntland, kaas oo sababay gacan ka hadal ay dadb badani ku dhinteen.

Mucaarad hubeysan ayaa dagaal kala hor yimid muddo kororsi uu miiska soo saartay Madaxweyne Saciid Deni, waxaana hadda istaagan wax kasta oo doorasho ama muddo kororsi ahaa.

Siyaasiyiinta timid Garowe ayaa laga raja weyn yahay inayt xal u keenaan khilaafka xukuumadda iyo mucaaradka Puntland ee salka ku haya doorashada baarlamaanka iyo madaxtimida maamulkaas.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo isugu yeeray Midowgii Musharaxiinta Xili ay ka horyomaadeen Heshiiskiii…
Next articleYaa amar ku bixiyay in qabuuraha Macallin Nuur laga saaro meydadka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here