Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay...

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay Golihiisa Wasiiradda (Sawirro)

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug oo maanta ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyay howlgalada dib u xoreynta ee ka socda deegaanada Galmudug iyo safar dhulka ah oo uu dhawaan kusoo kormeeray qaar ka mid ah goobihii dhawaan laga xoreeyay cadowga argagaxisada ah.

Dhinaca kale, Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo ku saabsanaa barnaamijka xasilinta ee deegaanada la xoreeyay iyo gurmad dhawaan la gaarsiiyay qaar ka mid ah deegaanadaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Golaha sida ay u garab istaageen bulshada ku dhaqan deegaanada la xoreeyay, asagoona kula dardaarmay dhamaan xubnaha Golaha wasiirada inay gacan ka geystaan gurmadka deegaanada dhawaan la xoreeyay oo ay ka jiraan xaalado bini’aadanmo.

 

 

Ad
Previous articleCiidamada Booliska Soo Qabtay Rag Burcad ah oo Dhacgaysanaayay
Next articleDowlada Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood Baaq Deg deg ahna Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here