Home Wararka Maanta Wasiirka adan Barre Ducaale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho...

Wasiirka adan Barre Ducaale oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale.

Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardar-galinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale la filayaa in ay kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale qorshaha ka bixitaanka ciidamada midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Kenya ayaa ciidamo badan ka joogaan qeybo kamid ah deegaannada maamulka Jubbaland, ciiamadan ayaana wax garab ah ku siin dowladda Soomaaliya howlgalka ay kula dagaallameyso kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleDowlada soomaaliya oo Banaanka Soo dhigtay Mowqifkeeda Dagaalka Qaza Baaq Culusna Dirtay
Next articleWararkii U Danbeeyay Xaalada Gaza Iyo Madaxda Carabta Oo Baajiyay Safarka Biden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here