Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Wagner oo go’aan lama filaan ah ka qaatay xiisadda Ruushka kadib...

Hoggaamiyaha Wagner oo go’aan lama filaan ah ka qaatay xiisadda Ruushka kadib Markii ay Lawareegeen Inta Badan Dalka Ruushka

0

Hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa goordhow ku dhowaaqay inay joojiyeen duulaankii ay ugu socdeen magaalada caasimadda u ah dalka Rushka ee Moscow, si uusan dhiig badan u daadan.

Madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko oo deg deg xiisadaan u soo faro-geliyey ayaa taleefoonka kula hadlay hoggaamiyaha kooxda Wagner Yevgeny Prigozhi.

Wadahadal dheer oo dhex-maray hoggaamiyaha ciidankaas calooshood u shaqeystayaasha ah iyo Madaxweynaha dalka Belarus ayaa lagu go’aamiyey in lagu dhawaaqo xabad joojin.

Madaxa kooxda Wagner Group Yevgeny Prigozhin ayaa Al-Jazeera u sheegay in uu amar ku siiyay ciidamadiisa oo ku sii siqaya magaalada Moscow inay dib ugu laabtaan xeryahooda, si dhiig badan uusan u daadan.

“Waxay doonayeen inay kala diraan shirkadda militari ee Wagner. Waxaan 23-kii June billownay socodka cadaaladda ee aan ku tageyno Moscow. 24 saac gudahood, waxaan 200 km u jirsanay Moscow, innaga oo aan xitaa ridin hal xabbad,” ayuu Prigozhin ku yiri farriin cod ah.

“Hadda waxaa timid daqiiqaddii dhiiggu daadan lahaa. Innaga oo fahansan … in dhiigga Ruushka uu daadan karo, waxaan go’aansannay inaan dib ugu laabanno xerooyinkeena.”

Kooxda Wagner ayaa billowday inay dib ciidankeeda iyo qalabkeeda ugala baxdo magaalada Rostov ee ku taalla xuduudda Ukraine kadib amarka kasoo baxay hoggaamiyahooda Yevgeny Prigozhin ee ahaa in la hakiyo ku siqitaanka Moscow.

Weriye ka tirsan AFP, oo goobta ku sugan, ayaa sheegay inuu arkay taankiyo iyo dhowr baabuurta xamuulka ah oo sida dagaal-yahanno oo ka tegaya xarunta ciidamada oo kooxda ay horey u qabsatay.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gobolka Koonfurta Ruushka ee Lipetsk ayaa billaabay inay qaadaan xayiraadaha ay soo rogeen kadib markii Wagner, oo horey gobolka usoo galay, ay ku dhowaaqeen dib u gurasho.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in heshiis culus oo qarsoodi ah uu dhacay, sababtoo ah go’aanka uu Prigozhin dib ugu celiyey “waa mid halis xooggan gelin karta naftiisa,” islamarkaana ka lumineysa fursadda uu haystay.

Xafiiska madaxweyne Alexander Lukashenko ayaa sheegay in si ay dib ugu laabtaan loo dammaanad qaaday kooxda Wagner amnigooda. Weli ma jiro war kasoo baxay Putin oo ku saabsan heshiiska.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo xiisadaan ka hadlay ka hor heshiiska la shaaciyey, ayaa sheegay in qorshaha kooxda Wagner uu yahay khiyaano qaran, isagoo ku goodiyey inuu tallaabo cad ka qaadi doono kooxdaas.

Putin oo wajahaya loolankii ugu adkaa ee la geliyo xukunkiisa 23 sano jirka ah, ayaa wacad ku maray inuu burburin doono kacdoonka Wagner, oo uu la meel dhigay dagaalkii sokeeye ee qarni kahor ka dhaay Ruushka.

Putin ayaa sheegay in jiritaanka Ruushka uu hadda halis ku jiro.

Prigozhin ayaa ku eedeeyay hoggaanka sare ee militariga Ruushka in uu amray weerar gantaal ah oo lagu qaaday xerooyinka ciidamada Wagner ee Ukraine, islamarkaana halkaas ciidankiisa looga dilay dagaalyahano badan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in “Daciifnimada Ruushka ay caddahay,” isagoo rajeynaya in Moscow ay ku adkaan doonto inay sii haysato ciidan calooshood u shaqeystayaal ah, inta ay sii wado fowdada uu Ruushku ka abuuray Ukraine
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Cali Jayte oo Xiray Garoonkii Baladweyne Diidayna in Dyaarad kasoo Dagto
Next articleDeni oo Xilka Ka Qaaday Taliyihii Hogaaminaayay Taliyihii Ciidamadii Garowe Kula Dagaalamay xilalna Ku Tixay Beesha Garowe Dagta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here