Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Cusub oo Maantay Laga Dajiyay Degmada Guriceel

Ciidamo Cusub oo Maantay Laga Dajiyay Degmada Guriceel

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo horleh ay u dirtay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka degay garoonka Guriceel, halkaas oo la filayo in gaadiid loo diyaariyey looga qaado si loo geeyo gobolka Hiiraan oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sida ay ogaanay  waxaa ciidamadan oo ah kuwa miino baarista dalabaday saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi, waxana dirtay wasaarada gaashaandhiga iyadoo ujeedadu tahay dardargelinta howlgalada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay ka howlgali doonaan waddooyinka isku xira Beledweyne iyo Matabaan, si ay uga sameeyaan miino baaris, maadaama ciidamada lugta ee Xoogga dalka ay ku adkaatay inay gudaha galaan deegaanada ku yaal halkaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale ka dambeysay, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ay la kulmayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee howlgalladaa ka wada gobolka Hiiraan, isla-markaana uu horkacayo guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Qarixii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxa ay waxyeelo kasoo gaartay askari ka tirsan milatariga iyo wariyeyaal ka howlgala TV-ga HirShabelle oo tabinayey howlgalka.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa deegaano ka mid ah ku sugan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada iyo kuwa Jabuuti ee ku yaalla halkaasi

Ad
Previous articlePuntland oo markale War kasoo saartay hadalkii kasoo baxay ninkii Dilka lagu xukumay Asagoo Maqan Kadibna Soo Hadlay
Next articleWaa tee Wasaaradda wili Shaqaalaheeda Mushaar la siinin ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here