Home Wararka Maanta Mucaarad ka Dhan ah Axmed Madoobe oo Go,aano Xasaasi ah Soo Saaray

Mucaarad ka Dhan ah Axmed Madoobe oo Go,aano Xasaasi ah Soo Saaray

0

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey shir maalmihii lasoo dhaafay uga socday siyaasiyiinta u sharaxan xilka Madaxweynaha Jubbaland, kuwaas oo soo saaray bayaan ka kooban 16 qodob oo ay uga hadleen guud ahaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka Jubbaland.

Musharaxiintaan oo aad u gorfeeyey arrimaha Jubbaland ka socda iyo doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah oo Axmed Madoobe ay ku eedeeyeen in doorasho uusan qabaneyn ayaa waxay ku dhaheen bayaankooda, “Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay.”

Doorashada, tabashada siyaasadeed ee maamulka Axmed MAdoobe ay ka qabaan, Dagaalka Al-Shabaab, cambaareyn ay u jeediyeen Axmed Madoobe, codsi ay u direen shacabka iyo dowladda federaalka iyo mahadcelin ay u jeediyeen beesha caalamka ayuu ka kooban yahay bayaankaan oo dheer.

Hoos ka akhriso:

Shir wadatashi ah oo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Jubaland(GMMMJ) uga socday Magaalada Addis Ababa labadii todobaad ee u danbeysay ayaa maanta oo taarikhdu tahay 13 Sabtember 2023 ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.

Labadii todobaad ee shirku socday waxay xubnaha Goluhu diirada ku saareen arrimaha amniga(ladagaalanka Argagaxisada), xaalada noololeed ee bulshada iyo Siyaasada (doorashooyinka) ee DGJ kadib markii uu dhamaaday mudo xileedkii Maamulkii hore ee Jubaland, waxaana gabagabadii shirka kasoo baxay qodoban hoos ku xusan:-

  1. a) Amniga-Ladagaalanka Argagaxisada
  2. Goluhu wuxuu bogaadinyaa islamarkana amanayaa gulufka uu hogaaminyo madaxweynaha qaranka, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Dr Hassan Sh Mohamoud ee dalka lagaga xoreynayo khawaarijta waana mid muujinaysa sida ay Madaxweynaha iyo xukuumada uga go’antahay ladagaalanka Khawaarijta.
  3. Sidoo kale waxaan boogaadinaynaa guulaha isdaba jooga ah ee cidamada geesiyada ka soo hoyiyeyeen dagaalka ay khawaarijta kaga xoreynayaan dalka kuna sugayaan amniga shacabka Somaaliyeed.
  4. Goluhu wuxuu u arkaa nasiib daro iyo wax laga xumaado in Madaxweynihii hore ee Jubaland oo hada si sharci daro ku haysta magalada Kismayo uu si cad uga caga jiidayo ladagaalanka Kharaarijta tan iyo intii uu xukunka qabtay tanina waa mid dadka re-jubaland ku abuurtay shaki wayn oo ku aadan waxa uu aaminsanyahay. Sidaas darteed, golaha oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada re-jubaland wuxuu bilaabi doonaan wacyi galin bulsho iyo abaabul ciidan oo ku aadan ladagaalanka Argagaxisda iyo xoreynta deegaanada wali argagaxisada gacantooda ku jirta.
  1. b) Arrimaha Doorashada Jubaland
  1. Goluhu wuxuu mar kale xasuusinayaa dadka re-Jubaland, dowlada dhexe iyo beesha caalamka in muddo xileedkii Hay’adihii Dastuuriga ahaa ee DGJ uu ku ekaa 22-08-2023, sidaas darteedna uu jiro firaaq maamul oo dalbaya in si degdega loo buuxiyo taas oo haddii aysan dhicin horseedi doonta degannasho la’aan siyaasadeed iyo mid amni daro oo aan ku ekaan doonin jubaland balse saameyn weyn oo amni ku yeelan doonta Soomaaliya guud ahaan iyo dalalka dariska ah.
  1. Madaama oo uu dhamadey mudo xileedkii maamulkii hore islamarkaana laga baaqsaday in la qabto doorasho waafaqsan dastuurka Jubaland, Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay.
  2. Walaaca iyo hubaal la’aanta haraysay arrimaha doorashada Jubaland waxay abuurtay Khalkhal amni daro oo fursad wayn u siisay AS in ay ku baahdo deegaamo cusub tanina waa xalad khasbaysa in Golaha oo kaashanaya dadka re-jubaland uu hogaamiyo xiliga kala guurka, si looga baaqsado firaaq maamul iyo mid amni.
  1. Goluhu wuxuu aaminsanyahay in si xal waara loogu helo arrimaha amniga ay lagama maarmaan tahay in la helo siyaasad loo dhanyahay (inclusive politics) oo bulshada jubaland ku hagta ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta bulshada, taasna waxay muhiim ka dhigaysaa in la qabto doorasho hufan oo loo dhanyahay oo waafaqsan tastuurka jubaland, mar kasta oo taasi dib u dhacdana waxay saameyn taban ku yeelanaysaa amniga gudaha iyo tan dariskaba.
  1. c) Cambaareyn
  2. Golaha wuxuu sida ugu adag u cambaraynayaa falalka argagaxisinimo iyo caburinta qaawan ee maamulkii hore sida joogtada ah ugu hayo dadka siyaasad ahaan ka rayi duwan oo ugu danbeeyey afduubkii iyo masaafurintii lagula kacay xubin hore oo ka tirsanayd golaha Wasiirada Jubaland.
  1. Sidoo kale wuxuu Golahu canbaaraynayaa falalka caburinta, barakicinta, baada, cagajuglaynta, xirida, xanibaada, masafurinta, musuqmaasuqa, nolol xumada iyo shaqo la’aan baahsan ee Maamulkii hore ku hayo dadka re-kismayo taas oo ugu danbayn sababtay in ay ka qaxaan magaalada Kismayo tacadiyadaas oo dowlada kenya iyo hay’ada UNHCR ku khasabtay in dib u furaan xerada Ifo two si loogu diwaan galiyo dadka kasoo xaqaya magaalada Kismayo.
  2. d) Baaq iyo Codsi
  3. Waxan dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar haan kuwo jubaland ugu baaqaynaa in ay si aan kala har lahayn u garab istagaan hiil iyo hooba cidamada kala duwan ee dagaalka kula jira kawaariijta taas oo ah fursada kali ah ee dadka soomaaliyeed manta hastaan si ay isaga xoreeyaan khawaarijta.
  1. Golaha iyo dadka re-jubalandba waxay mar kale cadaynayaan in madaxweynihii hore oo wali si sharci daro ah ku haysta magaalda Kismayo uusan matalin dadka re-jubaland, sidaas darteed aan marna loola macaamilin inuu yahay Madaxweynaha Jubaland.
  2. Goluhu wuxuu madaxweynaha JFS mudane Dr Hassan Sheikh ka codsanayaa in uu taageero himilada dadka re-jubaland oo ah in la qabto sida ugu dhakhsaha badan doorasho hufan oo loo dhanyahay si ay fursad ugu helaan in ay doortaan hogaankooda siyaasada.
  3. Waxan ugu baaqayna madaxweynihii hore inuu ka waantoobo xaraashka sharci darada ee joogtaada ah ee ku hayo dhulkii danta guud
  1. Sidoo kale Goluhu wuxuu ganacsatada uga digaynaa in aysan ku kadsoomin dhulka danta guud ee madaxweynihii hore sida sharci darada ah ugu xaraashayo dhulkii danta guud.
  1. e) Mahad celin
  2. Goluhu wuxuu mahad aan lasoo koobi karin u hayaa dowladaha dariska oo ka caawiye DGJ amniga iyadoo la’aanta taageeradooda aysan marna suuro gal noqoteen in manta Jubaland jirto.
  3. Sidoo kale Goluhu u wuxuu mahad celinayaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee Jubaland ka taageera arrimaha aminiga iyo adeega bulshada farsamo ahaan iyo maadi ahaan.
Dhamaad

 

Ad
Previous articleXafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lix Sarkaal u Gudbiyay Maxkamada Gobalka Banaadir
Next articleMaraykanka oo walaac ka muujiyey xaaladda maxaabiista uu hayo Maamulka SSC oo uusan xusin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here