Home Wararka Maanta Waa tuma gabadha keliya ee Soomaalida ah ee ku guuleysatay abaalmarinta lama...

Waa tuma gabadha keliya ee Soomaalida ah ee ku guuleysatay abaalmarinta lama helaanka ah?

0

Sacda ayaa ku guuleysatay inay ka mid noqoto dadka ku guuleystay abaalmarinta Wayfinder Award ee ay bixiso National Geographic Explorer.

Dadka la siiyo Abaalmarinta Wayfinder waa shaqsiyaad isu soo taagay inay yihiin jiilka soo socda ee hogaamiyayaasha saamaynta leh, iyo hal-abuurayaasha shaqadooda muhiimka ahi nagu dhiirigaliyo inaan wax ka barano.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinla wadaago in aan helay Abaalmarinta Wayfinder oo aan ku biirayo bulshada caalamiga ah ee National Geographic Explorer,” ayay barteeda Twitter soo dhigtay.

Sada Mire waa cilmi-baare aasaarta qadiimiga ah oo Soomaali Iswidhis ah. Waa taariikhyahanad u ololeeya kor u qaadidda hidaha dhaqanka sida baahida aasaasiga ah ee bini’aadamka waqtiyada dagaalka.

Sacda waa gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga aasaarta qadiimiga, in ka badan toban sano, waxay ahayd khabiirka kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran cilmiga aasaarta qadiimiga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Waa maareeyaha aasaaska waaxda cilmiga qadiimiga ah ee Somaliland. Waxay sidoo kale tahay agaasimaha iyo aasaasaha machadka Horn Heritage Foundation, iyada oo ka shaqeysa cilmi-baarista iyo ilaalinta hiddaha Geeska Afrika oo dhan.

Goobaha taariikhiga ah ee Somaliland ay Sacda ku soo aragtay

Labaatankii sano ee ugu dambeeyay goobo badan oo taariikhi ah ayaa laga helay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland. Waxaa haatan jira in ka badan boqol goobood oo ay ugu caasan taay Laas Geel oo laga helay dhagxaan ay sawirro ku xardhan yihiin oo 9000 jirsaday. Si kastaba, dhagaxaantan ma aysan aqoonsan mana ilaaliyaan ururrada daryeela goobah ataariikhiga ah sida UNESCO.

Dr Saada Mire oo ah khabiir dhanka deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegtay in Somaliland ay ku yaallaan goobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay tahay in laga warqabo oo la ilaaliyo.

Laasgeel oo 40 meyl dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin , kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.

Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ah muddo labaatan sano ka hor ah.

Ad
Previous articleMarkii uu dhashay ayey waalidkiisu “ka argagexeen foolxumadiisa” Wayna Isaga tageen asagoo Dhalan 36 saacaadood kaliya
Next articleMucaaradka Somaliland oo meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here